London(INO)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa booqasho saddex maalmood ah ugaga bilaabatay dalka Britain waxana uu ugu baaqay Britain inay ka sii mid ahaato Midowga Yurub.
Warbixin lagu daabacay wargeyska The Telegraph waxyar kadib markii uu booqashada ku yimid Britain ayuu Obama ku sheegay in ka sii mid ahaanshaha Britain Midowga Yurub ay sii xoojinayso saameynta ay u leedahay caalamka.
Qoraalka ayuu Obama ku sheegay in UK ay faa’ido ugu jiro Midowga Yurub marka la fiiriyo ganacsiga, shaqooyinka, koboca dhaqaalaha iyo ammaankaba.
Obama iyo xaaskiisa Michelle waxa ay u hambalyeeyeen boqorad Elizabeth oo u dabaaldegeysa sagaashan guuradeedii ka soo wareegtay dhalashadeeda.
Obama oo ka hadlay mowqifkiisa Midowga Yurub ee dalka Britain iyadoo afti loo qaadi doono arrintan 23ka June ayaa waxaa soo dhoweeyay siyaasiyiinta dooneysa in Midowga Yurub aysan ka bixin Britain. Hase yeeshee kuwa doonaya in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub ayaa ku tilmaamay labo wajiilanimo mowqifka Madaxweyne Obama.
Duqa London oo u ololeeya ka bixida Midowga Yurub Bris Johnson ayaa ku eedeeyay Obama in uu arrinkan soo dhexgalo waxana hadal maldahan uu ku tilmaamay Obama inuu yahay qof qeyb ka mid ah jirkiisu uu yahay Kenyan taasna ay tahay sababta uu ugaga soo horjeedo Britian inay ka baxdo Midowga Yurub.
Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Madaxweyne Obama iyo Ra’iisal Wasaare Cameron ayaa waxa ay ugaga hadleen waxyaabihii ugu muhiimsanaa ay isla soo qaadeen kulan maanta ay ku yeesheen xafiiska Ra’iisal Wasaare Cameron.
Wadamo badan oo caalamka ah oo ay ugu horeeyaan Jarmalka iyo Faransiiska ayaa ugu baaqay shacabka Britain inaysan ka go’in Ururka Midowga Yurub. Madaxweynaha Maraykanka ayaa ku booqday xarumahooda qoyska reer Boqor, waxana uu gacan qaaday wiilka yar ee George kaasoo ku ciyaarayay faras uu hadiyad ugu keenay Madaxweyne Obama.
Idale News Online, London, UK