Muqdisho(INO)- Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin qofka Beesha daaqtire xubin uga noqon doono baralaanka federaalka Soomaaliya ee doorashada 2016.
Shirkaan oo la qabtay taariikhdu markeey aheyd 25ta maalinimada isniinta ah laguna qabtay guriga xildhibaan Ahna wasiirad ku xigenka wasaarada qoyska iyo xaquuqul insaanka Ee Dowlada Federalka Soomaaliya Avv.Muumina Sheikh Cumar waxaana kasoo qeyb galey siyaasiyiinta, Nabadoonada,Samadoonada, waxgaradka culuma’udiinka haweenka iyo dhalinyarada beesha TUNI daaqtire.
Sidoo kale Fadhiga shirkaan waxaa goob joog ka ahaa laguna casumay Suldaanka guud ee beelaha TUNI, Toore iyo Labotol Suldaan Xeydar Suldaan Suufi Suldaan Munye dheere.
kadib markii dood dheer leysla galey waxaa lagu go’aansadey oo leysku raacey oo dhankastaba loo ged gediyey in ay Muumina Sheikh Cumar ku soo noqoto barlamaanka cusub ee 2016-ka isla fadhigaasna ayaana Muumino Sheikh Cumar lagu magacaabay laguna doortay
Muumino ayaa la timid waxqabad la taaban karo sidoo kale beesha TUNI shangamaas iyo wax garadka beesha daaqtire ayaa waxaa la isku raacay in Muumino ay tahay qof dadaal badan holkarnimo badan daacad ah oo shaqo hufan, sifiicana isugu xirtay xiriirka beesha guud ahaan iyo beelaha kale, iyadoo si cadaalad ah ugu soo shaqeysay beesha iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan
Muumino Sheekh cumar oo ah marwo xaas ah waxeeyna leedhay shan caruur ah waana qof aan waligeed ka dhex bixin dadkeeda iyo deegaankeeda xog ogaalna u ah baahida shacabka iyo tan deegaanka
Muumino oo heerka aqoonteeda ah dhanka sharciga heysatana shahaadada sharciga ee bachelor waxeeyna ka baxday kulitada sharciga, waxeey ka soo shaqeysay jamacadda xamar oo ay ka aheyd gudoomiye kuxigeenka Jamacada 1999 ilaa 2002 waxeey kaloo xil kasoo qabatay kana mid aheyd garyaqaanada guud ee dowlada iyadoo aheyd xubin kamid ah golaha garyaqaanada dowlada Soomaaliya xiligii madaxweyne Sheekh shariif, waxeey lasoo shaqeysay ururka qareenada haweenka soomaaliyeed iyo ururka qareenada Soomaaliyeed.
Waxeey kaloo lasoo shaqeysay arimaha xaquuqul insaanka iyadoo udoodi jirtay haweenka soomaaliyeed ee dhibaatada loo geysta mar walba.
Muumino waxeey kaloo noqotay xildhibaan dowlada hada jirta iyadoo isla maarkaasna loo doortay wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka ee xaquuqul insaanka
Muumino waxeey ku hadashaa dhoowr luuqadood oo kala ah ingiiska, taliyaaniga iyo Soomaali Maay iyo maxaa tiri iyo afka Baraawe looga hadlo ee af-TUNI iyo chimini
Muumino waxay degmada Baraawe geystay daawooyin iyo sariiro loogu tala galay in lagu caawiyo isbitaalka degmada Baraawe.
Muumino Waxeey kaloo shaqooyin kal duwan geeysay oo shaqaale dowlad ka dhigtay dad faro badan oo udhashay deeganka baraawe waxeey kaloo wax barasho jaamacad ka bixisay ilaa 20 arday oo haatan la filayo ineey qalin jebiyaan sanadkaan
Muumino waxay kaloo gacan ka geysatay darajooyinka la siiyay askkar badan oo isugu jira boolis iyo maleteri kana soo jeeda deegaanka Baraawe
Sidoo kale Marwo Muumino Sheikh Cumar waa shaqsi dacad ah howl hufan oo dalaal badan isla markaasna si siman ugu shaqeyso shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii, Magacaabida Muumino Sheikh Cumar waxaa si aad ah usoo dhaweeeyay dhamaan qurbo joogta beesha TUNI iyo kuwa gudaha Soomaaliya ku suganba.
Halkan Ka Daawo Sawiradda
Idale News Online, Muqdisho