Hargeysa(INO)— Muuse Biixi Cabdi oo ah Musharax Madaxweyne ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Kaaliyaha Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo aanu saxiixin heshiis dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay saldhig milatari uga sameysaneyso Magaalada Berbera.
Muuse Biixi oo la hadlayay taageerayaasha Xisbigiisa, ayaa ammaan iyo bogaadin u jeediyay Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo uu ku tilmaamay halyey u soo halgamay ururkii SNM, waxaanu yiri “ Xisbiga Kulmiye wuxuu garab taagan yahay hoggaankiisa aas’aasay oo ah Madaxweynaha dalka, halyeygii SNM ee hormuudka u ah guulaha waa weyn iyo mashaariicda dalka lagu horumarinayo, waxaa ugu dambeeyay mashruuca uu hirgelinayo, mashruuca saldhigga Berbera oo dad badan ay ka qeyliyeen”.
Muuse Biixi oo caddeynaya in Maamulka Somaliland aanu saxiixin wax heshiis ah oo saldhig milatari oo badda ah lagu siinayo Dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta ayaa yiri “ Madaxweynuhu isaga oo dastuurku awood u siiyay inuu heshiis soo galo, kadibna ka ansixiyo golayaasha , wuxuu doorbiday isaga oo tala wadaag ah, talo wadaag ah iyo tixgelinta dadkiisa eegaya, heshiiskii oo aanu weli saxiixin oo qabyo ah, qodobadii uu kula soo heshiin lahaa dowladda aynu wax wada galeyno oo aanu weli isagu saxiixin ayuu soo hordhigay labada gole, waa waayeelnimo, waa dimoqraadiyad, wuxuu yiri ka taliya, ra’yigaas ayaa la ila yimid, nimankaasi waxa ay yiraahdeen aan halkaasi idinka kireysanno , qodobadaasi ayaan doonayaaye inaan la galee, labadii gole ee qaranka iyo sharci dejintow igala taliya, wixii xunna ka saara, wixii sax ahna igu raaca , hore looma arag Madaxweyne awooddiisa u gudbiyay sidaas oo kale ”.
Dadka siyaasadda faaqida ayaa ku sheegay in Maamulka Somaliland tallaabada Golayaashiisu ku ansixiyeen heshiis aanan weli la saxiixin ay muujineyso degdega iyo aqoon darada ka heysata dhanka qawaaniinta caalamiga ah ee jideyneysa in dowlado la aqoonsan yahay oo ka dhaxeeya xiriir laba geesood iyo iskaashi ay gali karaan heshiis gaashaandhig oo u gogol xaari kara saxiixidda heshiisyo ka faracma sida sameysashada ama unkidda saldhig milatari oo hal dhinac ah oo aan halis galin karin dalka la deegaansanayo iyo dowladaha ay ood wadaaga yihiin.
Siyaasiyiin Soomaali ah ayaa ku sheegay in haddiiba ay Somaliland heshiiskaasi ay saxiixi kartay ay mar hore ku dhaqaaqi laheyd, balse go’aanka uu gaaray Baarlamaankeeda uu yahay hawo la dagaalan iyo dhoolo tus siyaasadeed oo aan laheyn tiirar qaanuuni ah oo uu cuskado.
Siyaasiyiin iyo diblomaasiyiin Soomaali ah ayaa kula taliyay Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inaanu furin, kana doodin wax mooshin ah oo arrinkaasi ku saleysan, lana siiyo fursad Xukuumadda cusub, iyagoo ku sheegay in dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee Maamulka Somaliland uu sameeyay lagu hakin karo hal fadhi oo Golaha Wasiirada Xukuumadda cusub ay ka yeeshaan damaca shisheeye ee waqooyi galbeed ee dalka, ayna ku filan tahay sidoo kale war saxaafadeed ka soo baxa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo lagu cadeeyo in Dowladda Soomaaliya aaney diyaar u aheyn saxiixidda iyo ogolaanshaha heshiis kasta oo saldhig milatari oo shisheeye looga yagleelayo Magaalada Berbera iyo deegaannada ku xeeran.