Muqdisho (INO)- Ciidamada sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta howlgal ballaaran ka sameeyay xaafadaha Muqdisho qaarkood, iyadoo ay beegsanayeen shaqsiyaad gaar ah oo lagu raad joogay iyo howlgal baaris isugu jiray.
Howlgalkan oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha, Geed Jaceyl, Siinaay iyo Afarta Jardiino ayaa mudadii uu socday waxay ciidamada kusoo qabteen labo qof oo looga shakisan yahay inay ka danbeeyeen dilkii Labo Guddoomiye Waaxood oo labo maalin ka hor lagu dilay Degmooyinka Dayniile iyo Xamar Jajab.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Muqdisho