Daawo:Muungaab oo sheegay in dadka hantida laga haysto loo celinayo hantidooda

0
203

Muqdisho(INO)- Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in dhammaan la celinayo hantida ummadda Soomaaliyeed ee dadka qaar sida sharci darrada ah u haystaan.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in maamulka gobolka Banaadir uu hantidooda dib ugu celinayo shacabka Soomaaliyeed ee dhulkooda laga haysto,wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku leh dhulalka iney dib caasimadda ugu soo noqdaan.

Muungaab ayaa ballan qaaday in dib loo calinayo hantida iyo dhulalka magaalada Muqdisho ee ay haystaan dadka aan lahayn,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday iney ka go’an tahay u celinta hantida dadkii iska lahaa ee laga dhacay.

“Xamar Soomaali oo dhan baa iska leh,iyaga ayaa wada dhistay waa ineey dib ugu soo laabtaan si ay Xamar ugu soo noqoto Xamartii la yaqaanay”ayuu yiri gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada MuqdishoXasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa xiligan ka socda dib u dhiska ballaaran kadib markii ay magaalada dib ugu soo noqdeen dad badan oo dalka ka cararay markii ay qarxeen dagaaladii sokeeye.

 Halkan Ka Daawo.


Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here