Riyadh(INO)-Arday Sacuudiga u dhashay oo ku tartamayay heesaha dhaqanka dalkaasi ayaa ku ruux baxay masraxii uu ka heesayay.
Halkan Ka Daawo
Xafladda uu ka heesayay wiilkaan ayaa aheyd mid loo qabtay ardayda oo ku tartameysay suugaan dhaqameedka, hase ahaatee waxay xafladaasi ku dhamaatay murugo iyo argagax.hees-dhimasho
Ardaygan oo lagu magacaabo Dariq ayaa markii uu dhigay makroofankii uu ku heesayay ee uu qaaday tallaabtii koowaad ayuu jooga ka dhacay, kuna ruux baxay halkii ay fadhiyeen garsoorayaashii tartankaasi.
Ugu Danbantii Dhacdadaan ayaa lagu Tilmaamay Dhacdo Murugo Xambaarsan Maadaama Arday Sacuudiyaan ah oo ku tartamayay heesaha dhaqanka dalkaasi ayaa ku ruux baxay Halka uu ka heesayay Waana Dhacdo Cibra Qaadasho ah.
Idale News Online, Riyadh