Muqdisho- Midowga Yurub ayaa baahiyey Muqaal taxane noqon doona oo muujinaya waxyaabaha ay doonayaan Deeq bixiyaasha Reer Yurub in ay ka qabtaan gudaha dalka Soomaaliya sannadkan aynu ku jirno, waxaana muuqaalka koowaad oo la baahiyey xooga lagu saaray arrimaha muhiimka u ah Soomaaliya.
Midowga Yurub ayaa sheegay in ay xooga saari doonaan arrimaha muhiimada u leh Soomaaliya gaar ahaana Ammaanka, Ganacsiga Xoolaha, Caafimaadka Xoolaha, Waxbarashada, Adkaysiga Bulshada, Maamul Wanaag, Xuquuqda Aadanaha iyo Cadaaladda.
Muuqaalka lasoo bandhigay hada wuxuu diirada saaraya amaanka gobalka oo dhan, waxaana si gaar ah uu xooga usaaray arrimaha sugida amaanka, tababarada ciidamada Soomaalida iyo sida ay Beesha Caalamku diyaar ugu tahay Soomaaliya oo ka baxdo marxaladaha ay hada ku jirto.
Midowga Reer Yurub ayaa Soomaaliya ka wada sadex howlgal oo dhanka amaanka ah, kuwaas oo kala ah.
- Hawlgalka Tababarka Milatariga (EUTM) si loo taageero Ciidanka Ammaanka Soomaliyeed
- Ciidanka Badda ee Midowga Yurub (EU NAVFOR) hawlgalka “Atalanta” si loola dagaalamo Budhcad-badeedka.
- EUCAP NESTOR horumarinta awooda xagaa badda
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Muqdiso