Daawo:Maqaaxida The Village oo dib loo dhisaayo, ka dib qaraxii shalay

0
187

Muqdisho(INO)- Maamulka maqaaxida The Village, ayaa durbaba bilaabay in ay dib u dhisaan burburka maqaaxidooda ka soo gaaray weerarkii ismiidaaminta ahaa, ee shalay ka dhacay afaafka hore ee maqaaxidaasi.

Qaraxan oo ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu soo cabeeyay, ayaa ka dhacay inta u dhaxeyso Ex Fiyoore iyo Xaruntii Golaha Murtida & Madadaalada (National Theatre).

Qaraxab oo sida la sheegay lala damacsanaa gaari uu la socday Taliyaha Qaybta Booliska Waliyow Cadde, Korneyl Maxamed Daahir Cabdulle, ayaa ku qarxay wadada horumarta maqaaxida The Village, waxaana ku dhintay ninkii gaariga kaxeynaayay, iyadoo toddobo qof oo kalana ay ku dhaawacantay.

Maamulka The Village, ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii bilaabay in ay dib u dhisaan burburka maqaaxidaasi ka soo gaaray weerarka lala xiiririnayo Al Qaacidada Somaliya.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane, ayaa sheegay goob kasta oo ay burburiyan maleeshiyada Al Shabaab, in dib loo dhisi doono.

the-village the-village1 the-village2

Dhanka kale Saraakiisha Booliska & Nabad Suggida Gobolka Banaadir, oo kaashanaya khuburo caalami ah, ayaa wada baaritaano ku aadan qaraxaasi.

Saraakiisha, ayaa tuhunsan in qaraxaasi lagu diyaariyay gudaha Magaalada Muqdisho, inkastoo aysan jirin cid illaa iyo hadda ay laamaha ammaanku u soo qabteen.

baaritaano baaritaano1 baaritaano2