Xudur(INO)-Magaalada Xudur waa Xarunta Gobolka Bakool, waxaana gacanta ku heysa Dowladda Federalka Somaliya, ka dib markii horaantii bishii Maarso ee sanadkii hore, ay bilaa dagaal ugala wareegtay Ururka Al Shabaab.
Muddo toban bilood ah, ayaa waxay Shabaabku ku hayeen Magaaladaasi go’doomin xoogan, iyagoona diiday in gaadiidka ganacsiga ay gudaha u galaan, kana soo baxaan Magaalada.
Ciidamada Dowladda iyo Amisom oo toddobaadyadii ugu dambeeyay suurta geliyay inay dib u furaan qaar ka mid ah wadooyinkii ay xireen Shabaabka, ayaa waxaa suurta gashay in gaadiidka ganacsiga qaarkood ay gudaha u soo galaan Magaaladaasi.
Sicir bararkii baahsanaa ee ka jiray Magaaladaasi, ayaa waxaa la soo sheegayaa in toddobaadyadii ugu dambeeyay, ay hoos u dhac ku yimaadeen, dadkuna ay qiimo macquul ah ku iibsanayaan quutul daruuriga.
Maxamed Cabdi Tool, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Bakool ee Dowladda, ayaa sheegay inay dib u fureen qaar ka mid ah wadooyinkii, ay Shabaabku ka go’doominayeen Magaalada Xudur.
Gudoomiyaha Magaalada Xudur Maxamed Macalin Axmed, ayaa isna qaba in dadku ay dareemayaan nafis, tan iyo markii la furay tiro ka mid ah, wadooyinkii ay Shabaabku ka cunaqabateenayeen Magaaladaasi.
Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka ee Gobolka Bakool Korneyl C/raxmaan Maxamed Cismaan (Timacade), ayaa isna ku waramaaya in laga adkaaday mintidiintii Shabaabka, ee dhibaatada ku haayay buu yiri dadka shacabka ah.
Kooxo Suxufiyiin ah oo la geeyay Magaalada Xudur, ayaa waxay muuqaalo kala duwan ka soo qaadeen dadka reer Xudur, xilli ay isku soo bax ballaaran ka dhigeen Xarunta Degmada.
Halkan Ka Daawo Sawiradda.
Idale News Online, Xudur Bakool