Baydhabo(INO)- Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Ayaa Maanta Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobalka Baay Tababar Socon Doono Mudo 4 Cisho Ah Uga Furtay Shaqaalaha Iyo Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Kaa Oo Lagu Baran Doono Habsami Usocodka Shaqada Iyo Shaqaalaha Wasaarddaasi.
Munaasibadii Lagu Furayay Tababarkaan Ayaa Waxaa Kasoo Qeyb Galey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Koonfur Galbeed, Masuuliyiin Ka, Kala Socotay Maamul Gobal Iyo Degmo iyo Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed.
Uga Horeyn Ayaa Munaasabdda Waxaa Hadal Kooban Laga Siiyay Gudoomiye Ku Xigeenka Odayaasha Dhaqanka Ugaas C/rashiid Sheikh C/salaan Oo Ku Dheeraday Hadalkiisa Ayaa Waxaa Uu Tilmaamay Muhiimadda Tababarkan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Ay Siinayso Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Koonfur Galbeed.
Sidoo Kale Waxaa Goobta Ka Hadlay Gudoomiyaha Degmada Ahna Duqa Magaalada Baydhabo Cabdullaahi Cali Watiin Wuxuuna Amaan U Jeediyay Wasaaradda Maliyda Soomaaliya Oo Sheegay Dhanka Maamul Gobaleedyada In Tababarkii U Horeeyay Ay U Qabato Uu Yahay Midka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ugu Dambeyntii Waxaa Munaasabada Tababarka Ka Hadlay Wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Sheikh Xasan Lug Buur Oo Xubnihii La Tababarayay U Jeediyay Hadal Dardaaran Iyo Guubaabo Ah Kaa Oo Ku Salaysan Shaqada Looga Fadhiyo Taa Oo Ah Shaqooyinka Loo qabanayo Bulshada Degaanadan Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Daawo
Wariye, Bishaar Xasan, Idale News Online, Baydhabo