Kampala(INO)— Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa safarkiisa Geeska Afrika ku bilaabay magaalada Kampala ee dalka Uganda, kadib markii uu marti-qaad rasmi ah uu ka helay dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni.
Madaxweyne Erdogan oo socdaalkiisa ay ku wehliyaan Marwadiisa koowaad Emine Erdogan iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka.
Waxaa xalay garoonka diyaaradaha ee Entebbe ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda Sam Kutesa iyo Wasiiro kale.
Madaxweynaha Erdogan ayaa maanta oo Arbaco ah la filayaa inuu kula kula qaato Madaxtooyada Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona xiriirka labada dal, iskaashiga, waxaana diirada lagu saari doonaa arrimaha ganacsiga.
Madaxweyne Erdogan ayaa lugta labaad ee booqashadiisa Geeska Afrika waxaa uu ku tagi doonaa dalka Kenya oo deris la ah Soomaaliya
Sidoo kale maalinta jimcaha waxaa uu booqasho ku imaanayaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana ay noqoneysaa markii 3aad ee uu soo booqdo Soomaaliya.
Turkiga ayaa kaalin wax ku ool ah ka qaatay taageerada Soomaaliya, iyadoo gargaar bani’aadanimo iyo mashaariic horumarineed ka hirgeliyay Muqdisho.
Idale News Online, Kampala