Daawo:Madaxweynaha Soomaaliya Oo Wadamada Carabta Ugu Yeeray Inay Maalgashadaan Soomaaliya

0
225

Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xaflad quraac ah xarunta Madaxtooyada ugu sameeyay danjireyaasha waddamada Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Madaxweynaha, ayaa danjireyaasha uga warbixiyey xaaladda siyaadeed ee dalka, qorshaha dhismaha iyo isku dhafka ciidammada, adeegyada bulshada, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

“Waxaan idin kaga mahadcelineynaa sida aad mar walna inoo garab taagan tihiin, welina waan u baahanahay inaad sii waddaan taageeradiina. Gobollada Soomaaliya oo dhan waa kuwo kheyraad kala duwan leh.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

“Sidaa darteEd waxaan idinka codsaneynaa inaad maalgashi ku sameysaan dalka, isla markaana aad badeecadaheena u furtaan suuqyadiina, waayo waxay taasi naga caawineysaa inaan sameyno dib u kabasho dhaqaale oo waxtar leh.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Danjireyaasha waddamada Carabta oo iyaguna halkaasi ka hadley, ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan horumarka siyaasadeed iyo dib u dhis ee Soomaaliya ka socda, ayna waddamadooda sii wadi doonaan la shaqeynta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

CarabtaCarabta1Carabta2Carabta3Carabta4

 Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here