Daawo:Madaxweynaha Somalia Oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Cusub Ee Dalka Nigeria

0
361

Abuja(INO) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyadda Nigeria madaxweynaha cusub ee dalkaas, Muhammadu Buhari.

Labada madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xoojinta xirriirka labada wadan iyadoo madax-weynaha Somalia uu warbixin ka siiyay dhiggiisa xaaladda guud ee Somalia gaar ahaan la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah.

“Dowladaha Soomaaliya iyo Nijeria waxyaalo badan ayey wadaagaan, waxaa ka mid ah kooxaha Al-shabaab iyo Boko Haram oo iska mid ah mabda’a iyo ficillada xun-xun ee ka fog bani’aadamnimadda, labada dowladood arrimaas way iska kaashan doonaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa xusay in madaxweyne Buhari uu booqsho ku imaan doono Somalia si loo joogteeyo iskaashiga labadda dal u dhexeeya, laakiinse ma uusan sheegin xilliga ay booqashadan noqonayso.

Idale News Online, Abuja

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here