Daawo:Madaxweynaha oo si rasmi ah u furay shirka Madasha Wada-tashiga Hoggaamiyeyaasha Qaranka

0
329

Muqdisho(INO)—Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada si rasmi ah uga furay Madasha Wadatashiga hoggaamiyeyaasha qaranka ee ay ku mideysan yihiin hoggaanka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimaha siyaasadda iyo amniga. Dhanka siyaasadda waxaa shirkan uu ka doodi doonaa arrimaha doorashada 2016-ka iyo dhaqan-gelinta hannaanka lagu heshiiyay ee doorasho iyo arrimaha kale ee ku xeeran.

Waxaa sidoo kale madaxda ay ka doodi doonaan Barnaamijka Siyaasadda Amniga Qaranka.

Madaxda ka qeybgaleysa shirkan ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, iyo madaxda dowlad goboleedyada Koonfuur Galbeed, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa dhameystirka heshiiskii hanaanka doorashada iyo go’aankii Madaxweynaha uu todobaadkii hore ku meel mariyay hanaanka doorashooyinka, waxaana harsan qodobo qaar oo uu muran ka jiro, kaasoo Madaxda ay ka doodi doonaan.

Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in arrinta ugu weyn ee shirka looga hadlayo ay tahay Maqaamka Muqdisho iyo sidii Gobolka Banaadir uu matalaad ugu yeelan lahaa Aqalka Sare.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jimcihii sheegay in aysan sax aheyn in saddex milyan oo ruux oo degan magaalada Muqdisho aysan wax matalaad ku yeelan Aqalka sare, isla markaana laga hadli doono arrintaas iyo Maqaamka Muqdisho.

Dooda ugu badan ee shirka ayaa la filayaa inay hareyso arrinta Gobolka Banaadir ee Aqalka sare, iyadoo Maamulada Puntland iyo Galmudug ay ka soo hor-jeedaan in wax laga bedelo heshiiskii 12-kii bishii April.

Si kastaba ha ahaatee shirkan ayaa laga soo saari doonaa qaabka loo fulinayo doorashada iyo jadwalkeeda oo ku qorsheysan bisha Agosto ee soo socota.

unnamed-20unnamed-19unnamed-18shir (1)

 

Idale News Online, Muqdisho