Garowe(INO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaadhay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.
Madaxda Maamulka Puntland, ayaa wefdiga Madaxweynaha ku soo dhaweeyay Garoonka Magaalada Garoowe, Waxaana intaasi kadib wafdiga Madaxwaynahu ay socod mareen Badhtamaha magaalada Garoowe, iyadoona ugu danbayntii ay warbaahinta kula hadleen Aqalka madaxtooyada maamulka PL.
Waxaa lagu wadaa inuu Garoowe ka furmo shir ay lee yihiin Dowladda Somaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka ka jira Qaarkood, wuxuuna daba socdaa shirkii ay horey ugu yeesheen Magaalada Muqdisho.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online,Garowe