Washington(INO)-Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Barack Obama oo khudbad jeediyay ayaa ammaanay gabardh Soomaaliyeed, isagoona sheegay in dadaalka gabdhahaan ay ka sameysay heerarka kala duwan ee waxbarashadeeda ay ku yar yihiin gabdhaha iyada oo kale ah dalalka Afrika.
“Gabadhan Soomaaliga ah ee ka mid ah muhaajiriinta Afrika runtii waa mid ku dayasho mudan” ayuu yidhi Madaxweyne Obama.
Gabadhaan oo lagu magacaabo Muniira Khaliif ayaa Madaxweynaha Mareykanka wuxuu si gaar ah uga hadlay waxbarashadeeda dugsiga sare iyo tan Jaamacadda oo uu sheegay inay ku qaadatay magaalada Minnesota.
Dhinaca kale wuxuu sheegay Obama in gabadhaan Soomaaliga ah ayay waxbarashada guul ka gaartay dhamaan jaamacadaha ugu wanaagsan Maraykankuna aqbaleen. Madaxwayne Obama ayaa qudbadani jeediyay xili muslimiinta uu Aftur u sameeyay.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Washington.