Daawo:Madaxwaynaha Turkiga oo ku dhegan Obama iyo arinta uu ku haysto

0
237

Mixico(INO)-Madaxweynaha waddanka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa ku canbaareeyey madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama aamusnaanta uu ka aamusay dilkii loo geystey saddex dhallinyaro muslimiin ah oo lagu dilay gobolka North Carolina.

MD-ORDUGAN

Erdogan oo uu garab-taagnaa madaxweynaha Mexico, Enrique Peña Nieto oo booqasho rasmi ah ku jooga Turkiga ayaa xusay in aamusnaanta Barack H. Obama, ku xigeenkiisa, Joe Biden iyo xoghayihiisa arrimaha dibadda, John Kerry ay muujinayso halka ay ka taagan yihiin ficillada caynkan oo kale ah.

“Haddii aad ka aamustaan ficillada noocan oo aysan bayaan kasoo saarin, adduunkuna waa idinka aamusnaan doonaa;” ayuu yiri Erdogan oo dilkan ku tilmaamay mid dunida oo dhan ay ka argagaxsaday.

Saddexda ruux ee dhallinyarada ah oo ahaa qoys ayaa waxaa gobolka North Calorina loogu geystay ayaa lagu kala magacaabi jiray; Deah Shaddy Barakat xaaskiisii, Yusur Maxamed iyo walaasheed Razan Max’ed Abu-Salha.

Halkan Ka Daawo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here