Muqdisho(INO)-Munaasabad balaaran oo lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir ee degmada Cabdicasiis ayaa waxaa ka qeybgalay madaxda ugu sareysa dalka iyo madaxda gobolada oo dhawaanahan ku sugnaa caasimadda, iyada oo wadahadal la lahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Munaasabadda oo uu soo qabanqaabiyey maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeybgalay marti sharaf aad u balaaran sida taliyeyaasha ciidamada qalabka sida oo si qurux badan u labisnaa, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirishiid Cali Sharma’arke, madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Kadib kooxaha murtida iyo madadaalada oo heeso iyo ciyaaro dhaqameedyo kala duwan kusoo bandhigey goobta ayaa waxaa hadalo jeediyey madaxda, kuwaasi oo ka hadlay kulankii wadatashiga ee ka dhaxeeyey.
Madaxda ayaa si wadar ah u bogaadiyey tashiga, iyaga oo farta ku fiiqey in siyaasadda Soomaaliya ay gaartay biseyl ah in dadka dhexdooda iyaga wada hadli karaan iyaga oo aanan la wada hadashiinin.
Madaxweynayaasha maamulada ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku bogaadiyey casuumaadda uu u fidiyey iyo sida uu uga qeybgaliyey talada dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna dhankiisa madaxda gobolada uga mahadceliyey sida dhaqsaha badan ay uga soo jawaabeen casuumaadda uu u fidiyey, wuxuuna intaasi ku daray in wax badan wixii hadda ka dambeeya laga talogalin doono.
Guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa madaxda gobolada xusuusiyey in ay soo dhisaan baarlamaanada heerka goboleed si markaasi ay wadashaqayn toos ah ula yeeshaan.
Waxa ay sheegeen madaxda in qodobadii ay ka wada tashadeen oo dhan ay isfaham iyo heshiis ka gaareen, kana midyihiin waxyaabaha danta qaranka ku jirto.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa ugu dambeyntii shahaado sharaf guddoonsiiyey madaxdii kasoo qeybgashay, gaar ahaan madaxda maamul goboleedyada.