Afgooye(INO)- Munaasabadaan lagu daah furay todobaadka dhirbeerista Qaranka Soomaaliyeed oo maanta ay ku beegan tahay Maalintii Qaranku u asteeyay ee 17-ka April ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Magaalada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Munaasabada waxa ka qayb galeen mas’uuliyiin iyo Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo dhirta Madoobe Nuunow Maxamed.
Darbiyada ayaa lagu xardhay boorar ay ku qoranyihiin halku dhigyo ka turjumaya muhiimadda dhirtu u leedahay Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale mas’uuliyiintu ay talaaleen dhowr geed .
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Madoobe Nuunow Maxamed oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in maalintani muhiimad weyn u tahay dalka, isla markaana looga baahan yahay bulshadu in ay ka faa’iideystaan oo ay dhir beeraan.Wasiirka ayaa xusay muhiimada dhirta iyo sida loogu baahan yahay in laga wada qayb qaato xuskeeda
“Qaranka Soomaaliyeed baa 17 April u asteeyay in ay noqoto maalinta dhir beerista sidaas darteed ayay tahay in la badiyo dhir beerista iyo in la badiyo ka faa’iideysiga dhirta, mawaadin kasta oo Soomaali ah waxaa xilka ka saaran yahay in uu geed talaalo waliba geed mirood “ayuu yiri Wasiir Madoobe Nuunow Maxamed.
Ugu dambeyntii, Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha iyo daaqa Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaiya waxaa ay ugu baaqday maamulada Gobolada iyo Degmooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay weyneeyaan maalintaan Qaranka, iyadoo mas’uuliyiintu ay sheegayaan in xuska uu socon doono muddo isbuuc ah.
Idale News Online, Afgooye