Baydhabo(INO)-Maanta waa maalin ka duwan Maalmihii iyo Bilihii aan soo dhaafnay, maxaa yeelay maanta oo aay Taariikhdu ku beegantahay (03-April-2015) Waa maalin si aad u weyn oo aay xusuusanyihiin guud ahaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Gobolada Koonfurta iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxay ahady 03-April-2013, maalintii shacabka Shacabka Koonfur Galbeed loo soo sheegay war dhegohooda ku riday Naxdin, waxaa Magaalada Frankfurt ee dalka Germany ku geeriyooday Halyay aygii Bulshada Koonfur Galbeed si wayn u aamin sanaayeen, waa Aasaasihii, Ruuxigii iyo Aabihii Koonfur Galbeed, Marxuum AUN Xasan Maxamed Nuur Shaati Gaduud.
Xusuusta Noloshii Col. AUN Xasan Maxamed Nuur Shaati-gaduud ee xikmada iyo kartidu ka buuxday iyo dib u eegista maalmihii murugada ee ka danbaysay, waxaa maanta ay Warbaahinta Gobolada KG Soomaaliya xusaysaa sanad guuradii 2-aad ee ka soo wareegtay geerida Halyeey Marxuum Col. AUN Xasan Maxamed Nuur Shaati-gaduud.
Shaki kuma jiro in bilkasta ay Siyaasiyiinteenu Magaalada Baydhaba iskugu yimaadaan xuska Maalinta Dhirta, Maalinta Biyaha, Maalinta Farxalka iyo kuwa kaloo badan, balse arrinta dad badani si wayna u sugayaan waa xuska sanad guurada Labaad ee Geerida Halyaygii Koonfur Galbeed Col. AUN Xasan Maxamed Nuur Shaati-gaduud.
Akhriste Maxay ku kala Duwan yihiin Hogaamiyeyaashii hore sida Ustaad Cismaan, C/qaadir Zoope, Sh. C/laahi Begedi, Cabdalla Deerow, Xasan Maxamed Nuur Shaarti-gaduud iyo Kuwa iminka jooga Sh. Aadan Madoobe, Shariif Xasan Sheekh Aden Maxamed Cismaan Jawaari iyo Madoobe Nuunow.
Sawiro Taariikhi Ah
Idale News Online, Baydhabo