Nairobi(INO)-Danjiraha dalka boqortooyada Belgium u qaabbilsan Dalalka Soomaaliya iyo Kenya Marwo Roxane DE BILDERLING oo uu wehliyo xoghayaha guud, isla markaana ah qofka dawladda Belgium sida gaarka ah ugu qaabbilsan la socoshada arrimaha Soomaaliya dhinacyada siyaasadda, dib u dhiska iyo samafalka, Mudane Vincent VIAENE ayaa maanta kuu qaabbilay xafiiska danjiraha ee safaarada Belgium ee magaalada Nairobi, halkaas oo ay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ee Dowlada KGS Saciida Sheekh Axmed oo ku sugnayd maalmahan.
Marwo Roxane DE BILDERLING is barasho, dhiirri galin, qibrad wadaag iyo wada sheekeysi ka dib waxaa ay ka wada hadleen muhiimadda kulankooda, Danjiraha ayaa ugu horreyn waxay xog waafi ka siisay kaalinta dalka Belgium ee dib u dhiska iyo nabadeynta Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaanna in ay danaynayaan dhawaan in ay mashaariic ka fuliyaan Degaanadda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, sidoo kale ay Belgium dhaqaale ku bixiso Soomaaliya, iyadoo u marsiineysa New Deal ka iyo European Development Fund (EDF).
Waxay ka xog wareysteen Wasiiru Dawlaha baahiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya , iyadoo in badan uga warrantay, iyadoo soo xiganaysa baahiyaha badan ee jira iyo meelaha loo baahan yahay in laga gacan siiyo maamulka, kuwaasoo uu intooda badan hore beesha caalamka uga warbixiyay Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Waxay Wasiiru Dawlaha ka dhawaajisay una usoo jeediyay in Belgium ay door muuqda ka qaadato dib u dhiska iyo kaalmeynta baahiyaha Dowladdad Koonfur Galbeed, Danjire Roxane ayaa ugu warcelisay in ay xiiso badan u qabaan gacan siinta Soomaaliya iyo maamullada federaalka, iyadoo xustay in ay Belgium qibrad weyn u leedahay nidaamka federaalka, ayna ku qaadatay in ay nidaamkaa ka hirgaliyaan dalka Belgium sanado aad u badan.
Wasiiru Dawle Saida ayaa ku wargalisay in ay qoraal kula soo xiriiri doonto ka dib marka ay la soo tashato Madaxweynaha iyo wasiirrada ay hawl waddaagga yihiin, ka dibna ay kulamo kale iskugu soo noqon doonaan.
Dhinaca kale Danjiraha ayaa ku ad adkaatay muhiimadda ay Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya u leedahay in ay haweenka si weyn oo muuqata uga qayb galaan, loogana qayb galiyo siyaasadda dhinac kastaba, waxa ayna xustay in ay aad u yar yihiin haweenka hadda Dowladda KGS ka dhex muuqda.
Si kastaba ha haatee, Danjiraha ayaa si niyad sami leh ugu sheegtay sida ay ugu faraxsan tahay in qof dhinacna reer Belgium ka ah ay ka dhex muuqato siyaasadda Soomaaliya, ayna hiil iyo hoo ila garab joogayaan.
Wasiir Saciida Sheekh Axmed,ayaa ka sheekeeysay sida uu dalka Belgium isna ugu weyn yahay iyo in ay uga abaal hayso sidii dadnimada lahayd ee ay u garab joogsadeen maalintii ay ku qaxday illaa maantadaas la joogo na ay ii garab taagan yihiin, isla markaana waxay u sheegtay Danjiraha in ay si isku mid ah u jeceshahay dalalkeeda uu Eebbe weyne u badiyay.
Ugu dambeyntii Wasiiru-dawlaha Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa inta ay ku sugan tahay Nairobi kula kulmi doonta inta badan deeq bixiyeyaasha beesha caalamka halkaasoo ay iskula faaqidi doonaan sida ugu habboon ee loo gacansiin karo Dowladda KGS.
Idale News Online, Nairobi