Daawo:Kulan lagu Shaqaaleynayay Gabdhaha Waxbartay oo lagu qabtay Magaalada Baydhabo

0
323

Baydhabo(INO) — Kulan ku Saabsanaa Shaqaaleynta Gabdho dhameystay Jaamacadaha ku yaalla Deegaannada Koonfur-galbeed Somalia ayaa waxaa ka qayb-galay Mas’uuliyiinta  Dowladda Koonfur-galbeed,  aqoon-yahannada, ganacsatada, shirkadaha ganacsiga, maamullada Gobalka Bay iyo kan degmada Baydhabo.

Kulankaas ayaa waxaa soo Qaban-qaabiyey Guddiga Ganacsatada Koonfur-galbeed iyo Hay’ad la yiraahdo FURSAD, iyadoo ugu horreyn uu ka hadlay guddoomiyaha Gobalka Bay, Rashiid C/llaahi, isagoo sheegay in la shaqaaleysiinayo Gabdhaha Wax-bartay, wuxuuna xusay in gabadhuhu ay rabaan mustaqbal iyo ka qayb-qaadashada Horumarka Dalka.

Sidoo kale, waxaa ka hadlay kulanka afhayeenka aqoon-yahannada Koonfurta Soomaaliya, DR. Fowz Cabdi Nuur iyo guddoomiyaha haweenka degmada Baydhabo; Xaawo Sokeeye; kuwaasoo sheegay in Shaqaaleysiinta Gabdhaha dhameystay Waxbarashada Jaamacdeed ay u baahan tahay in la sameeyo qorshe ay sameeyaan Maamulka Koonfur Galbeed iyo Maamulka Gobalka iyo kan degmada, si haweenka ay u helaan shaqooyinka shirkadaha ganacsiga iyo xafiisyadaha Dowladda  ee ka jira Koonfur-galbeed.

Ugu dambeyn, kulunka ayaa waxaa ka hadlay gabdho ka socday Jaamacadda Gobalka Bay; sida Jaamacad Upper Jubba, Jaamacada Koonfurta Soomaaliay iyo Jaamacadda Ganaany, kuwaasoo ka hadlay fursadaha shaqo la’aaneed ee haysa Gabdhaha wax bartay.

Gabdhahan waxay ka Codsadeen iyagoo ka codsadey Madaxda  Dowladda Koonfur-galbeed inay wax ka qabtaan shaqo la’aanta gabdhaha ee ku aaddan  dhinaca shirkadaha ganacsi, Hay’adaha Samafal iyo Xafiisyada Hay’adaha Dowladda.

Idale News  Online, Xafiiska Baydhabo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here