Daawo:Kulan Baydhabo Ku Dhexmaray Safiiradda UK Ee Somalia iyo Madaxweynaha KGS

0
212

Baydhabo(INO) — Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa waxaa Maanta kulan muhiim ah ku yeeshay Mas’uuliyiinta Koonfur-galbeed iyo Safiiradda Ingriiska ee Somalia, Harriet Mathews, iyadoo mas’uuliyiintii ay la kulantay uu ka mid ahaa Madaxweynaha KGS ,Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isna shalay kusoo laabtay Baydhabo.

Kulanka ayaa waxay looga hadlay sidii deegaannada Dowldda Koonfur-galbeed ay Dowladda Britain wax ugu qaban lahayd, gaar ahaan dhinacyada Caafimaadka, Beeraha, Waxbarashada iyo Sidii Wax loogu Qaban lahaa Hay’adaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda  Koonfur-Galbeed  sShariif Xasan Sh. Aadan ayaa wada sidii baarlamaan looog sameyn Koonfur-galbeed, iyadoo ay hadda ay socoto xulista xildhibaanada Dowladda KGS .

Dhanka kale, Degmada Baydhabo waxaa laga dareemayaa kulammo ay leeyahiin odayaal-dhaqameedyo ka kala socata Seddex Gobal ee Maamulka Koonfur Galbeed uu ka taliyo, kuwaasoo ay ku doonayaan inay Toddobaadka soo socda ay kusoo xulaan Xildhibaanada Maamulka Koonfur-galbeed.

Halkan Ka Daawo

Idale News Online. Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here