Daawo:Ku Simaha Safiirka Soomaaliye Ee Switzerland Oo Daah-Furey Shirkii 30aad Ee Xaquuqul Insaanka Dunida Ee Geneva

0
214

Geneva (INO)-14ka bishii september 2015 waxaa magaaalada Geneva ee dalka Switzerland ka furmay shirka Golaha loo dhanyahay caalamka ee Xuquuqul Insaanka. Shirkan kulankiisii 30-aad sida caadada u ah ayaa looga hadlay xaaladaha Xuquuqul Insaanka ee ka jira Adduunka dacaladiisa, ayada oo doodo dheer ay isweydaarsadeen dawladaha xubnaha ka ah iyo ururada bulshada iyo waliba hay’adaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay UN-ka uqaabilsan arrimahaan ilaalinta iyo horumarinta shuruucda xuquuqul Insaanka. Waxaa kaloo meesha warbixinno kasoo jeediyey qubarada madaxa bannaan ee ka tirsan Golaha Xuquuqul Insaanka.

Shirkan heerka caalami ah intuu socday waddamada xaaladahooda laga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa sida:-dalalka Soomaaliya, Central Africa, Sudaan, Burundi iyo kuwa kale oo badan.

30ka bisha september 2015, qabiirka madaxa bannaan ee u qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insaanka ee dalka Soomaaliya Mudane Bahame Nyanduga wuxuu golaha uu usoo gudbiyey fasiraad ku saabsan warbixintiisa qoraaleed ee uu midigta ka gelshay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka.

Mudane Nyaduga ayaa madasha ka sheegay in Soomaaliya ay ka jirto dhibaatooyin gaar ahaan dadka laga tirada badan yahay oo badankood ku nool yihiin bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya sida:-

goobaha loo soo hodlamay loona yaqaan (Barakacayaasha), wuxuu sheegay in loo baahanyahay in dadkaasI si gaar ah loo ilaaliyo maaddama aysan haysan awood dawladeed ama qabiileed taa oo bayda u garaaci karta daafacooda nololeed dhanka amniga, sido kale masuulku wuxuu dawladaha deeq biixiyayaasha ka codsaday inay kaalmeeyaan dowlladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo wajahaysa daruufo adag oo dhinacya badan leh.

Xilli ay safiiradda Marwo Faadumo Cabdullaahi Maxamuud (insaaniya) ay hawl-shaqo ugu kicitantay shir-sanadlaha ka dhacayay xarunta Qaramada Midoobay magaalada New-york ee carriga Mareykan

waxaa madasha shirkaani dowlladda Federaalka Soomaaliya uga qaybgalay Ku-Simaha safiirka ee Xafiiska Ergada joogtada ee u fadhiya dowlladda Federaalka Soomaaliya Xarunta Qaramada Midoobey ee Geneva Mudane Xuseen Cabdi Muuse Mayow oo si cabboon u daafacay qaddiyada iyo sharafka dowlladda Federaalka ee Soomaaliya wuxuuna meesha kusoo bandhigay horumarada muuqda ee ay ku talaabsatay dowlladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhinacyada siyaasadda iyo Xuquuqul insaanka asagoo carrabka ku dhuftay tallaabooyinka cad cad ee ay ka samaysay dowlladdu gudaha dalka,

Ku-Simuhu Mudane Xuseen Cabdi Muuse wuxuu tilmaamay guulaha laga gaaray samaynta dowllad- goboleedyada, shuruucda badan ee la qoray si loo soo celiyo nidaamka iyo kala dambeynta dalka loogana baxo rabashka iyo fawdada ragaadayay geeska Afrika, sido kale Mr Mayow waxaa uu sheegay in dowlladdiisu ay muhiimad gaar ah siiso arrimaha Xuquuqul Insaanka taasina ay marqaati u tahay wasaaradda haweenka iyo horumarinta Xuquuqul Insaanka. Mudanuhu wuxuu kaloo golaha ammaanka uu xusuusiyay in Soomaaliya ay doorwayn ka ciyaartay hawlaha Golaha Xuquuqul Insaanka ayna kasoo saartey in kabadan 10 qaraar kuwaaso hadafkoodu dhammaan uu ahaa horumarinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dadyowga u martida ah intuba.

Soomaaliya waxay kaloo ku faani kartaa soo bandhigadda iyo dardargelinta qaraarka lagu difaacayo xuquuqda dadka Baraska qaba oo badankood tacadiyo ama (xadgudub) foolxun ay kala kulmaan Adduunka gaar ahaan qaaradda Afrika.

Guushan taariikhiga ah waxaa mahaddeeda iska leh Allaah Subxaanahu-Watacaalaa kadibna Safiirkii hore ee ergada joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiyay Qaramada Midoobay ee Geneva Marxuum Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari-Bari).

Dowlladda Ingiriiska, Soomaaliya, Talyaaniga, Mareynkanka, Turkiga, Awstaraaliya waxaa ay Golaha usoo bandhigeen qaraar ku saabsan cusbooneysiinta hal sano wakhtiga (mandate) ka khabiirka madaxa bannaan ee arrimaha Xuquuqul Insaanka ee dalka Soomaaliya Mudane Nyaduga

Qaraarkan waxaa si wadajir ah uga hadlay dowllada Ingiriiska uu matalaayo Safiirka dalkaas Mudane Julian Braithwaite, Soomaaliyana waxaa u hadlay Ku-Simaha Safiirka Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Muse Mayow. Mudane Julien Braithwaite wuxuu sheegay inay Soomaaliya ku ammanantahay si wanaagsanna ay ula shaqeyneyso hay’adaha Qaramada Midoobey ayadoo ku dadaaleysa horumarinta Xuquuqul Insaanka.



Annaga iyo caalamkana waa inaan ku taageernaa Soomaaliya siday wax uga qaban lahayd dhibaatooyinka hadda haysta ayna u gaari lahayd xaalad bani’aadaneed iyo Xuquuqul Insaaneed oo aad usareysa”, sidaa waxaa ka dhawaajiyay Mudane Julien Braithwaite.

Mudane Xuseen Cabdi Muuse Mayow masuulka daacadda ah hawlkarnimaduna ku darsaday wuxuu xubnaha Golaha u caddeeyay Soomaaliya inay ka go’antahay sugidda iyo horumarinta xuquuqul insaanka wuxuuna ka codsaday waddamada deeqda bixiya inay il-deeqsi ah kusoo eegaan ama fiiriyaan dowlladda Federaalka Soomaaliya, iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, khabiirka madaxa bannaan siday dhamantood u gutaan wajibaadkooda loo igmaday.

Soomaaliya iyo Ingiriiska ayaa waxay ku guulaysteen inay Golaha ku marsiiyaan cod aqlabiyad leh qaraarkaan, kaa oo in ka badan 60 dalna codadkoodataageerada ay racsiyeen qoraalka qaraarkan.

Ugu dambeyntii, 02 October 2015, Golaha Xuquuqul Insaanka wuxuu soo afjaray maantii shalay ahayd kalafadhigiisi 30-naad, kulanka xigana wuxuu dhici doonaa bisha maarso 2016, isla sanadkaas Soomaaliya waxay mari doontaa imtixankeedi labaad ee Xuquuqul Insaanka waxa afka qalaad lagu yiraahdo ( Universal periodic Review). Wixii faahfahin ah ee ku saabsan kulanka Xuquuqul Insaanka oo looga hadlay Soomaaliya kaga bogo duubista hoos ku xusan idam Alle !!

Halkan Ku Dhufo Si Aad U Akhrisato Warbxinta Oo Af English

Idale News Online, Geneva

E,mail.IdaleNewsonline@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here