Lahor(INO)- Koox ka go’day Taliban ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyo ka dhacay goob ku taala magaalada Lahore ee dalka Pakistan oo ay ku dhinteen inka badan 70 ruux oo caruur ay ku jiraan.
Garabka Jamaartul Ahrar oo ah garab ka go’ay Taalibaan ayaa sheegay in weerarkaasi ay la eegteen dad karishtan ah oo u dabaal dagayay maalinta Easter-ka.
Waxaa goobta lagu arkayay waalidiin badan oo ka baadi goobaya goobta weerarka uu kadhacay caruur ay dhaleen.
Madaxweynaha Pakistan ayaa weerarka cambaareeyay waxaana gudoomiyaha gobolka weerarka uu ka dhacay ku dhawaaqay seddex maalin oo baroordiiq ah.
Ugu yaraan 300 oo ruux ayaa la sheegay iney ku dhaawacmeen qaraxa waxaana laga baqayaa iney dhimashada intaasi kasii badato.
Hoos ka Daawo Sawirada:-
Idale News Online,
Somali News Desk, Lahor, Pakistan