Daawo:Kenya oo Sheegtay in dowlada Soomaaliya ay ka taageerayso xaga amaanka

0
231

Nairbi(INO)-Wasiirka arimaha dibada Kenya Aamina Maxamed ayaa sheegtay inay taageerayaan dowlada Soomaaliya si loo xaqiijiyo amaanka dalka, iyadoo sheegtay inay ka hortagayaan weerarada Alshabaab.

WASIIR-AAMINA
Aamina Maxamed ayaa cambaareysay weerarkii jimcihii lasoo dhaafay Alshabaab ay ka geysteen Hotelka Central ee magaalada Muqdisho, iyadoo sheegtay in dadaalka Nabadeed ee ay ka wadaan dalka Soomaaliya ay sii kordhinayaan.
“Waxaan sii wadeynaa inaan sii kordhino taageeradeena inaa Soomaaliya ay xasiloonideeda ay kasoo laabaneyno, amniga Soomaaliya waxaa ku xeran nabad galyadeena”ayay tiri wasiirka arimaha dibada Kenya.
Ku dhawaad 20 ruux ayaa ku dhintay weerarkii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo masuuliyadiisa ay sheegteen ururka Alshabaab.
Wasiirka arimaha Kenya waxay sheegtay in muhiim ay tahay in cadaalada la horkeenaa dadkii ka dambeeyay weerarkii Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxay sheegtay in Kenya ay garab taagan tahay dowlada Soomaaliya ayna ka taageeri doonaan xaqiiinta amaanka gudaha si looga hortago weeraro kaga yimaada Alshabaab.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Nairobi, Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here