Nairobi(INO)- Dowladda Kenya ayaa qiratay in ciidamo badan looga dilay weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen xerada ciidamada Kenya ee Kulbiyow oo saaka ay weerar culus ku qaadeen maleeshiyada Alshabaab.
Bayaan kasoo baxay afhayeenka ciidamada Kenya ayaa lagu sheegay in dagaalkii ka dhacay Kulbiyow lagu dilay 9 askari oo ciidamada Kenya ka mida, laguna dhaawaqay 7 kale, iyadoo dhinaca Alshababa looga dilay 70 sida uu sheegay afhayeenka.
Kenya ayaa hore u beenisay warkii Alshabaab ee ahaa inay dileen 57 askari oo Kenyaan ah, laakiin waxaa dadka degaanka iyo saraakiisha ciidamada Soomaaliya ay caddeyeen in askarta laga dilay.