Daawo:John Kerry Oo Booqday Goobtii Ay ku Taallay Safaaraddii Mareykanka Ee La Qarxiyay 1998

0
273

Nairobi(INO)-Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka John Kerry oo booqasho ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa maanta booqday goobtii ay ku taallay Safaaraddii Mareykanka ee la qarxiyay sanadkii 1998-dii.

Mr Kerry ayaa ubaxyo dhigay halka ay ku qoran yihiin magacyada dadkii weerarkaas ku dhintay, si uu ugu muujiyo wadajir dhibanayaashii ku waxyeeloobay weerarkaas, waxaana uu xusay in Argagixisadu ay mar walba fashilmayaan.

Waxaa uu sheegay in dalkiisa uu sii wadayo taageerada ku aadan dagaalka ka dhan ah Argagixisada, waxaana uu xusay in marnaba qalbiyadooda aysan dhaawici doonin weerarada oo kale.

John Kerry ayaa gelinka dambe ee maanta oo Isniin ah la kulmi doona Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyagoo ka wada hadli doona arrimo badan oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhinaca ammaanka iyo la dagaalanka Argagixisada.

kerry (2)

Kerry ayaa la filayaa inuu soo hadal qaado weerarada Al-Shabaab ka geysatay Kenya, waxaana lagu wadaa inuu ku dhawaaqo taageero uu Mareykanka siinayo Kenya, si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

Booqashada John Kerry ayaa horu dhac u ah booqasho bisha July uu dalka Kenya ku tagi doono Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo asal ahaan aabihii uu ka soo jeedo dalkaas.

kerry (1)Idale News Onlie, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here