Nairobi(INO)-Hoggaamiyaha Maamulka Jubbland Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan Maamulkiisa, ayaa magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya kulamo kala duwan kula qaatay Safiirrada dowladaha caalamka u fadhiya Nairobi.
Kulankanka Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Safiirrada ayaa ahaa mid ku saabsanaa Taageerida dhismaha Labada gole ee maamulka Jubba, Siyaasada, Ammaanka iyo Horumarinta dhinacyada wax soo saarka, dhoofinta iyo Arrimo kale.
Madaxweyne Axmed Madoobe oo kulamadaasi ka faa’iideysanaayay ayaa waxa uu Safiiradaasi ka codsaday inay soo booqdaan Deegaanada Maamulka si ay u indha indheeyaan xaalada dhabta ah ee ka jira Deegaanada Maamulka.
Safiirada qaar ayaa aad usoo dhaweeyay codsiyo dhowr ah oo uu Madaxweyne axmed ka horjeediyey
Rajo wanaagsan ayaa laga muujiyay kulanka Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Safiirradaasi, waxaana sidoo kale la filayaa in natiijooyin mirro dhal leh uu kulanka yeelan doono.
Dadka arimaha soomaaliya la socda dhinaca siyaasad ayaa aminsan in Madaxweyne axmed madoowe oo Meela badan isaga eeg yihiin wadaadkii ka horreeyey ee madaxweyne TNG Shariif Sheekh Axmed, taasoo looga jeedo in uu yahay in maskax furan oo xaalad kasta ka bixi karta. Haduu siyaasadaas degan ku socdo uu noqon karo siyaasi mustaqbal wanasgsen ka gaara Siyaasada soomaaliya.
Idale News Online, Nairobi, Kenya