Ankara(INO)— Hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan ururka Midowga Yurub ayaa booqanaya xero ku taal xadka dalalka Siiriya iyo Turkiga oo ay ku jiraan dad ka soo qaxay dalka Siiriya.
Booqashadan oo lagu tilmaamay inay tahay mid lagu doonayo in sare loogu qaado heshiiska ay gaareen dalalka ku bahoobay Midowga Yurub iyo dalka Turkiga.
Hase yeeshee ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa cambaareeyay booqashada wafdigan ay ku tageen xerada qaxootiga Nizip.
Ammaanka xadka u dhexeeya dalalka Siiriya iyo Turkiga ayaa la adkeeyay iyadoo dhowaan howlgalo ay sameeyeen ciidamada Turkiga ay ku soo qabqabteen dad ajaaniib oo lagu eedeeyay inay taabacsan yihiin IS ayna doonayeen inay weeraro ka geystaan xerada qaxootiga inta ay booqanayso Angela Merkel.
Muddo bil ah ayaa ka soo wareegatay tan iyo markii la bilaabay in la dhaqangeliyo heshiiska ay gaareen Midowga Yurub iyo dowlada Turkiga iyadoo dad badan ay aaminsan yihiin inuusan hirgeli karin heshiiskan.
Hase ahaatee waxaa hoos u dhac boqolkiiba sideetan ah uu ku yimid dadka qaxootiga ah ee galaya dalka Turkiga.Angela Merkel ayaa sheegtay inay dooneyso inay aragto xaalada nolosha dadka qaxootia ah ee dalka Turkiga.
Laakiin waxaa miiska saaran ballanqaadyadii loo sameeyay dowlada Turkiga ee ah in muwaadiniinta TUrkiga la siinayo dal kugal aan shuruud ku xirneyn.
Ujeedada heshiiska ay gaareen Midowga Yurub iyo Turkiga ah ayaa ah in laga hortago dadka qaxootiga ah ee dalalka Siiriya iyo Ciraq kuwaasoo doonayo in ay ugaga gudbaan dalka Turkiga wadanka Giriigga.
Heshiiska ayaa waxa u qorayaa in qofkii qaxooti ah ee yimid dalka Giriigga illaa iyo 20kii March dib loogu celinayo dalka Turkiga haddii aysan weydiisan magangalyo ama codsiga magangalyadooda la diido.
Sidoo kale heshiiskan ayaa waxa uu qorayaa in halkii qof ee Siiriyan ah ee dib loogu celiyo Turkiga, Midowga Yurub waxa uu aqbalay in uu magangalyo siiyo qof kale oo Siiriyan ah oo laga aqbalay codsigiisa magangalyada ah.
Si kasta ha ahaatee, qorshahan ayaa waxaa uu si weyn hoos ugu dhigay tirada qaxootiga ah ee tegeysay dalka Giriigga iyadoo bishii Febraayo ay ahayd konton iyo lix kun, halka soddonkii maalmood ee la soo dhaafayna ay ka noqotay wax ka yar siddeed kun.
Balse ururka caalamiga ah ee qaxootiga ayaa sheegay in ay tirada qaxootiga gaaraya Giriigga in sare u kac laga dareemay iyadoo dhinaca kalana gaabis tahay tirada dadka la siinayo magangalyada, waxaana la sheegay in dib loogu dejiyay dalalka Yurub dad aan ka badneyn boqol intii uu heshiiku dhaqan galay.
Midowga Yurub ayaa u ballanqaaday afarta sano ee soo socota lacag gargaar ah oo gaareysa $6.8bn (£4.5bn) dowlada Turkiga, waxyaabaha ugu waaweyn ee booqashada wafdigan loogaga hadlaya ayaa waxa ay qeyb ka tahay sidii loo bilaabi lahaa gargaarkan.
Dowlada Ankara ayaa hase ahaatee dooneysa inkabadan taas waxana ay ku hanjabtay inuu burburayo heshiiskan haddii aan la fulin qodobka u fasaxaya muwaadiniinteeda in ay si fudud ugu safri karaan dalalka Midowga Yurub.
Heshiiskan ayaa dowlada Turkiga waxaa laga doonayaa inay fuliso illaa iyo 72 shuruud inta ka horeysa 4ta May si ay ugu hesho si fudud inay muwaadiniinteeda ugu safraan Midowga Yurub balse diblumaasiyiinta ayaa sheegaya in kalabar shuruudahaas oo kaliya in lagu guuleystey.
Dowlada Turkiga ayaa waxaa ku nool qaxooti ka soo cararay dagaalada Siiriya kuwaasoo tiradooda lagu sheegay 2.7 malyan waxana ay dowlada Turkiga ugaga baxa lacag gaareysa $10bn (£7bn).
Idale News Online, Ankara