Daawo:Hay’ada CPHR Bakool Oo Agabyo U Qiibisey Baalushliyaasha Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool

0
246

Xudur(INO)-Hay’ada CPHR BAKOOL Ee Xarunta Nabadda iyo Xaquuqal Insaanka Oo ka Hawl Gasho Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka ugu qiibisey  Caruur da’yar  ah  oo  La Daala Dhacaayo  Noolashooda, Agabyo ay ku shaqeeystaan Baalushliyaasha Magaaladaasi, islamarkaana waxay ka Naxdey Mastaqbal la’aanta haysta Caruur Da’dooda ay ka yartahay 18 sano jir oo aad u dayacan.

Caruurtan  ayaa Maalintii  Oo dhami waxay ku Wareegaan Kulka Cadceeda Ee magaaladaasi si  ay u helaan Wax ay Ku Noolaadaan, iyagoona markii aad la sheekeysatid kuu sheegaayo arimo Murugo amakaake dadka ku beero.

Gudoomiyaha Hay’ada CPHR BAKOOL Mudane Xasan Macalin yuusuf( Xasan Black) oo booqadey degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ayaa u qiibiyey agabkaasi.

Caruurtan Mastaqbal la’aanta haysato, ayaa ah kuwo Barakacayaal ah iyo weliba kuwo waalidiintoodu aanay aboodin  inay geeyaan Iskuulada ka Jira Degmadda Xudur.

Hay’ada CPHR BAKOOL  ayaa balanqaadey inay dhawaan magaaladaasi ay ka hergalin doonto Iskuul ay waxka baran doonaan  caruurta danyarta ah ee ku dhaqan  degmadda Xudur.

Ugu dambeyntii , Dowladaha Iyo Ururada Daneeya arimahaDowladda Soomaaliya ayaa ugu  deeqey DF Soomaaliya  Malaayiin Dollar oo looga tala galey in wax lagu baro caruur gaareyso 3 Million kuwaasoo  ku nool Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya mashruucaas oo loo yaqaano GO TO SCHOOL, waxaan la ogeyn sida uu u gaaraayo Gobolka Bakool oo ka tagaan Xaalado Waxbarasho Xumo iyo Mid Bini’aadanimo.

Halkan Ka Daaawo.

Idale News Online/arimaha Bini’adanimada, Xudur, Bakool

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here