Daawo:Haweeney uu qabo Sarkaal Ajnabi ah oo ka tirsan Al shabaab Oo Aaminsan Fekrado Yaab Leh

0
232

Muqdisho(INO)-Haweeneydan oo lagu magacaabo Leyla Cumar Baaruud, ayaa waxaa Sabtidii lagu soo bandhigay Xarunta Godka Jilicow ee Degmada Boondheere, ka dib markii lagu soo qabtay hawlgal gaar ah, oo laga sameeyay Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.

Haweeneydan, ayaa waxay u dhaxday Sarkaal Ajaaniibta Ururka Al Shabaab ka tirsan, oo dhalashadiisa lagu sheegay Itoobiyaan, waxaana gacanta lagu soo dhigay, xilli ay damacsaneyd safar ay ugu amba baxdo Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Ciidamada Sirdoonka Somaliya, ayaa shantii bilood ee la soo dhaafay ku daba joogay haweeneydan, oo sida la sheegay ku dhuumaaleysaneysay Magaalada Muqdisho.

Leyla Cumar Baaruud, ayaa waxay ku baaqday in codkeeda aan waxba laga jarin, iyadoona ku talisay in la dilo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Ra’iisal Wasaaraha, Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka.

“Madaxweynaha hala dilo, Ra’iisal Wasaaraha hala dilo, Baarlamaanka hala dilo, Wasiirada hala dilo, ha’iga goynina halahaasaa ku baaqayaa.” Ayay tiri Leyla Cumar Baaruud.

Leyla Cumar Baaruud oo ah hooyada laba carruura, ayaa waxay xaqiijisay in muddo toddobo sano ahi ay ka tirsaneyd Ururka Al Shabaab, waxayna Shabaabka u qaabilsaneyd dhinaca tashkiilinta carruurta.

Leyla Cumar oo u muuqato mid ay ku fogaatay xagjirnimada, ayaa waxaan la garanayn tallaabada ay ka qaadi doonto Dowladda Somaliya, balse waxaa la leeyahay waxaa la horkeeni doonnaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa horey xukuno ugu riday tiro dumar ah, oo hub lagu soo qabtay gudaha Magaalada Muqdisho, xilli sida la sheegay ay hubkaasi u hayeen Shabaabka.

 Halkan Ka Daawo VIDEO