Daawo:Gudoomiye Ku Xigeenka Arimaha Bulshadda Ee Gobolka Bay oo Deeq Raashin Ah Ku Wareejiyey Wakiilo Ka Socodey Gobolka Bakool

0
226

Baydhabo(INO)-Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xaruta Gobolka Bay, Deeq Gargaar ah Laga wareejiyey Gudi Wakiilo ah oo ka kala Socodey Degmooyinka Xudur, Waajid , Tiyeeglow iyo Rabdhuure oo dhamaan ku wada  tirsan Gobolka Bakool.

wakiilo

Deeqdan Raashinka ah oo ay Soo Gaarsiisey  Magaalada Baydhabo Dowladda Cumaan oo Maamulka Gobolka Bay gacanta ku haayey raashinkaasi,isla markaaana  looga tala galiyey in loo qiibiyo 300 qoys oo ku dhaqan degmooyinka Gobolka Bakool.

Gudoomiyaha Ku Xigeenka dhanka Arimaha Bulshadda Ee Gobolka Bay Faysal C/qaadir Digir ayaa Maanta ku wareejiyey deeqdaaasi Raashinka ah wakiilada Degmooyinka Gobolka Bakool isagoona u mahadceliyey Dowlada Cumaan Oo Gargaar Bin’adanimo ka wada Gobolada Koonfurta Soomaaliya.

 Anigoo ku hadlaya Magaca Gudoomiyaha Gobolka Bay oo aan wakiilka ahay C/rashiid C/laahi, waxaan Maanta ku wareejinaya Gudiga wakiilada Degmooyinka Gobolka Bakool Deeq raashin ah  oo ay soo dhiibtey dowladda Cumaan oo looga  talagaley in loo qiibo 300 qoys, waan u mahadceliyaa, waxaan leeyahay soo badiya gargaarkiina” ayuu yiri Faysal.

Sidoo kale Wakiilada maanta la gudoonsiyey deeqda raashinka ayaa waxay sheegeen in si hufun ay u gaarsiin doonaan Qoysaskaasi 300  ah ee Ku dhaqan Goboka Bakool oo degmooyinkiisa in badan ay ku jiraan Go’aan ka dib markii Maleeshiyadda Al-shabaab xirtey Wadooyinkii  Muhiim ahaa ee Galayey Degmmyinka Gobolka Bakool taasoo dhalisey sicir barar iyo Xaalado nool xumo ah oo ka taagan Gobolkaasi.

Ugu dambeyntii Wakiilada Ayaa waxay sidoo kale Dowladda Cuamaan iyo Hay’adahaSamafalka ka dalabeen Inay soo Badiyaan Gargaarka.

Halkan Ka Daawo.


Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here