Baydhabo(INO)-Ka dib markii shaley qarax ka dhacey magaalada Baydhabo ee xaunta Gobolka Bay, kaaso geystey qasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta waxa cusbitaalka Degmada Baydhhabo Booqadey Saraakiil Ka Tirsan maamulka Gobolka Bay.
Inta La ogyahay waxaa qaraxaasi ku dhintey 5 qofood, in ka badan 23 ruux kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii Sida la sheegey Askari ka tirsan Ciidamada KGS ay ka fakatey Bom gacameed uu sitey.
Gudoomiye Ku xigeenka Dhanka Arimaha Bulshadda Ee Gobolka Bay Faysal C/qaadir Digir iyo Gudoomiye Ku xigeenka dhanka amaanka Maxamed Baraako ayaa Si wada Jir ah maanta u booqdeen Dhaawacyadda Yaalla Cusbitalka Degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
C/fataax Ibraahim, Agaasimaha Guud Ee Cusbitaalka Degmada Baydhabo ayaa ugu warbixiy Gudoomiyaasha Soo Booqadey cusbitaalka Xaalada Dhaawacyadda ay ku sugan yihiin iyo qaabkii ay ula tacaaleen.
” Dhaawacyadii na soo gaarey cusbitaalka waxay ahaayeen 22 Hadda waxaa jiifo 12, caafimaadkoodu way fiican yihiin marka laga reebo haweeney xaaladeedu aad ay u adag tahay, madaxa ayey kaga dhacdey rasaasta,Lafta ayey Jabisey” ayuu yiri C/ftaax.
Gudoomiye Ku xigeenka Dhanka Arimaha Bulshadda Ee Gobolka Bay, ayaa tacsiyo u direy eheladii dadkii ku geeriyoodey Qaraxii shaley.
“Dhacdan ayaa na loo soo sheegey,maamulka Dhamaan way yimadeen waxaan leenahay inta dhimatey Alle ha unaxariisto,eheladii dadkii ku dhimtey qaraxii shaley waxaan leenahay samir iyo iimaan Alle ha idin ka siyo, inta dhaawacteyna Alle ha Caafiyo” ayuu yiri Gudoomiye Faysal.
Dhanka kale Gudoomiye Ku xigeenka Dhanka amaanka Ee Gobolka Bay Maxamed Baraako ayaa ugu baaqey Bulshadda Degmada Baydhabo inay is dajiyaan,waxa kale uu intaa ku darey in dhacdadan ay ahayd mid lama filaan ah oo aysan ahayd mid si ula kac ah.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Baydhabo