Daawo:Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xalay casho sharaf u sameeyay ciyaartoydii 11-jirada

0
263

Muqdisho(INO)— Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyay aqalka dowladda Hoose Ciyaartoydii 11-jirada ee ka qeyb galay Tartankii Jeem Cup ee lagu qabtay dalka Qadar.

Munaasabada casho sharafta ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyeyaasha Maamul goboleedyada, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland, kuwaasoo bogaadiyay da’yarta 11-jirada matalayay Xulka Qaranka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in da’ yartan 11-jirada ay guul u soo hoyeen magaca iyo Calanka Soomaaliyeed, isagoo mid mid u guddoonsiiyay abaal marin lacag shiling Soomaali ah.

“Waxaa guul u soo hoyseen magaca iyo Calanka Soomaaliyeed, waxaana tihiin da’yar mustaqbal ifaya leh”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa ku dhawaaqay in dhalinyaradan ay yihiin wixii hada ka dambeeya Kooxda dowladda Hoose ee la dhihi jira Minishiibiyo, isla markaana ay gacanta ku heyn doonaan dhalinyarada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha da’yartan, isagoo bogaadiyay guusha ay soo hoyeen.

Ciyaartoyda 11-jirada ayaa saddexdii kulan ee ay ciyaareen Tartankii Jeem Cup galay bar baro, iyadoo aan wax guuldaro ah la kulmin, balse tartanka ka soo haray, markii ay saddex dhibcood la yimaadeen.

gobolka-soo (1)gobolka-soo (2)gobolka-soo (3)gobolka-soo (4)gobolka-soo (5)gobolka-soo (6)gobolka-soo (7)

 

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here