Daawo:Golaha Ammaanka oo walaac ka muujiyay dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya

0
420

Muqdisho(INO)— Xubnaha joogtada ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujiyay dib u dhac ku yimaada hanaanka doorashada 2016, iyagoo xusay inay hooseyso diyaar garowga loogu jiro in doorasho ay ka dhacaan dalka marka la gaaro bisha Agosto.

Xubnaha Golaha ammaanka ee shalay booqday magaalada Muqdisho ayaa la wadaagay walaacooda ku aadan dib u dhac ku yimaada doorashada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha Golaha ammaanka ay ku wargeliyeen Madaxda Soomaalida inay sameystaan muddo kororsi kadib Agosto.

Guddoomiyaha Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo ah Safiirka Masar u fadhiya Qaramada Midoobey Amr Aboulatta ayaa sheegay in Goluhu aanu aqbali karin muddo kororsi, isagoo ugu baaqay dhinacyada Soomaalida inay xoojiyaan dadaalkooda ku aadan sidii Soomaaliya nooc doorasho uga dhici laheyd.

Waxaa uu bogaadiyay dadaalka Beesha Caalamka ugu jirto in Soomaaliya doorasho uga dhacaan, sidoo kale waxaa uu soo dhoweeyay dadaalada dowladda wado ee dhinacyada nabadgelyada, siyaasada iyo dhaqaalaha.

meeting

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u xaqiijiyay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey in doorashada ay ku dhaceyso waqtigeeda.

Baarlamaanka Federaalka ayaa wali ansixin qaabka doorashada 2016, iyadoo qodobada qaar ee horay ugu heshiiyeen Madaxda Soomaalida ay ka keeneen muran, taasoo keeni karta caqabadaha laga cabsi qabo inay dib u dhigaan doorashada.

Golaha Ammaanka ayaa lagu wadaa in marka ay dib ugu laabtaan New York ay war murtiyeed ka soo saaraan xaalada Soomaaliya iyo doorashooyinka dhici doona.

 Idale News Online, Muqdisho