Daawo:Dufcaddii Labaad Ee Ciidanka Booliiska Koonfur Galbeed Oo Tababar Loogu Soo Xiray Magaalada Baydhabo

0
434

Baydhabo(INO)- Waxaa Baydhabo maanta lagu soo xiray tababarka dufcadda 2aad ee Booliiska Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya, waxaa xafladda xiritaanka ka qeyb galay Madaxweynaha KGS  Shariif Axmed, Taliyaha Booliiska qaranka Maxamed Xasan Xaamud, wasiiro, Xildhibaanno, saraakiil AMISOM iyo UNSOM.

Madaxweynaha Dowladd Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa ugu baaqay dufcadda qalin jabisay in ay waajibkooda gutaan, weliba qaar firfircooni leh.

Taliyaha Booliiska qaranka Maxamed Xasan Xaamud  ayaa dufcadda 2-aad u sheegay inay u shaqeeyaan sidii qaranka loo badbaadin lahaa, kana shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida deegaanka

Mashruucan tababarka  waxaa loo qabtay illaa 200 oo Booliis ah, waa dufcaddii 2-aad waxaa tababarka fuliyay AMISOM, waxaa maalgeliyay Dowladda Ingiriiska.

Halkan Ka Daawo

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here