Daawo:Dib u Dhis Ballaaran Oo Lagu Sameeyay Isbitaalka Degmada Baydhabo Ee Gobolka Bay

0
354

Baydhabo(INO) — Tan iyo markii Dowladdda  Koonfur Galbeed Soomaaliya uu u Magacaabay agaasimaha Isbitaalka Baydhabo Cabdifataax Ibraahim Haashi Gaabow ayaa waxaa laga qabtay howlo badan, iyadoo aad arkeysid dib u dhis lagu sameeyey Muuqaalka isbitaalka qaybihiisa kala duwan.

Agaasimaha isbitqaalka ayaa sheegay inay ka shaqeeyaan isbitaalka dhakhaatiir xirfado kala duwan leh, kuwaasoo si hufan u guta hawlahooda shaqo, kuwaasoo lagu soo xuley aqoon-tooda.

Isbitaalka weyn ee Baydhabo ayaa bukaanka imanaya waxay ka kala yimaadaan dhamaan deegaanada Gobolka Bay, Bakool iyo Gedo, iyadoo bukaanada Jiifa ay ka kala yimaadeen intooda badan deegaanadaas.

Sidoo kale, Isbitaalka ayaa Waxaa taakuleysa Hay’adda ICRC, waxaa kaloo Mushaaraadka Dhaqaatiirta iyo Daawooyinka ay ka helaan Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo Hoos-tagta Qaramada Midoobay.

Ugu Dambeyntii Dhismaha cusub ayaa loo sameeyey Qaybta Gar-gaarka Deg-degga ah, iyadoo Dayactirka Dhismaha cusub ay dhiseen hay’adda UNDP iyo hay’adaha ku sugan Baydhabo; iyagoo ka caawiyay dhanka qalabeynta.

 

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here