Daawo:Dhoolatuskii Ciidamada Kumandooska, Khudbadii Madaxwayne Xasan & Taliyaha ciidanka Xooga dalka

0
285

Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Soomaaliya  ayaa maanta  Dugsiga Tababarka Ciidammada ee magaalada Muqdisho tababar ugu soo xirey dufcaddii 3-aad iyo qeybtii ugu horeysay ee ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Kumandoska, Dusigan waxaa gacanta ku haya, isla markaana maalgelinaya Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa kula dardaarmey dhalinyarada sida gaarka ah loo tababarey inay kasoo dhalaalaan kaalinta looga fadhiyo ee xasilinta iyo nabad ka aslaaxinta waddanka, Sidoo kalana Ciidamada ayaa halkaasi kusoo bandhigay Dhoolatus.

Waxaa iyaguna halkaasi hadallo ka jeediyay Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Muxammad Al Uthman.
<>
Idale News Onlin, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here