Daawo:Dhaqaatiir Ka Tirsan Ciidinka Xooga Dalka Oo Baydhabo Tababar Loogu Soo Xirey

0
377

Baydhabo(INO)- Munaasabadaan Shahaadooyin iyo abaalmarino lagu gudoonsiinaayey dhaqaatiirtan ka tirsan ciidamada xooga Dalka somaliya kuwaas oo tababar magaalada baydhabo ku qaadanayey muddo 6bilood ah waxaana Tababarka bixitaankiisa iska kaashanayey Saraakiil Ka socotey ciidamada midowga africa amisom iyo kuwa dowladda federaalka ah ee soomaaliya.

Gabagabada Maantana waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Hubka dhigista iyo dhaqancelinta iyo tababarada maleyshiyaadka koonfur Galbeed Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Ee qeybta 60 iyo Ku xigeenka Madaxa Caafimaadka Ciidamada Xooga Dalka iyo sidoo kale Dhaqaatiirtii Ka soctey Ciidamada Midowga africa amaisom

ku xigeenka madaxa caafimaadka ee ciidamada xooga dalka soomaliya col. liibaan xuseen cusmaan iyo taliayaha ciidamada qeybta 60aad ee xooga dalka soomaaliya generaal ibrahim yarow ayaa wada qeexey muhiimada tababarkaan ay uledahey ciidinka xooga dalka.

wasiirka wasaarada hubka dhigista dhaqancelinta iyo tababarada maleyshiyaadka koonfur galbed oo ka qeyb galey munaasabada ayaa sheegey in tababarkaan uu yahey mid horumar weyn u ah taliska qeybta 60 ee ciidinka xooga dalka .

Halkan Ka Daawo Sawiradda

0102030405060707 08 090910

Wariye Ibrahim Maxamuud Timacade Warbaahinta Idale News Online, Baydhabo

Idale News Online Kala Soco warar Xaqiiqo Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here