Daawo:Deegaanka Idaale Ee Gobolka Bay Oo Laga Dhisey Iskuul Iyo Waa Sidee Noolasha Dadka Degaankaasi?

0
481

Idaale(INO)-Degaanka Idaale oo ka mid ah Degaanadda ugu waa weyn Ee Gobolka Bay isla markaana Ku dhex yaalla Dhulka hawdka ah Ee Dooy ayaa  laga Soo Sheegayaa in Degaankaasi laga hergaliyey Iskuul wax lagu baraayo  Caruurta Degaankaasi.

Degaanka Idaale oo  Dhaca  Galbeedka Gobolka Bay, ayaa hadda ah  mid Barwaaqo Ah  isla markaanka Noolasha dadka Degaankaasi ayaa inta badan waxay  ku tiirsan tahay, Dhaqashadda Xoolaha Nool iyo Beeraha, iyadoona Degaanku uu  sii balaaranayo Sanadba Sanadka Kasii Dambeeyo.

Baliga ama Warta ku taalla Degaanka Idaale ayaa iminka  waxaa Fadhiya  biyo badan, isla markaana Dhirta iyo Dooga Degaankaasina ay  yihiin kuwo soo jiidanaayo  Idhaha dadka.

Waxa Adag, in sawiro badan iyo Xog-wereyso quto dheer  la Sameeyeyo Dadka Degaanka, iyadoona degaankasi ay ku xoogan yihiin Xoogaga Al-shabaab Ee Soomaaliya Ka Dagaalama isla markaana Dagaal Adag kula Jiraan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika Ee Soomaaliya Ee AMISON iyo weliba DF Soomaaliya.

Alaadaha wax lagu duuba iyo Mobile-da  Kaamiradda  Leh ayaa Ka Mam-Nuuc ah la tagida Degaanada ay ka  taliso  Kooxda Al-shabaab, isla markaana Qofkii ay ku arkaan qalabkaasi  waxay Ku Ganaaxaan markii ay la saa’iraan  inuu bixiyo  Hal Qori oo AK47 ah iyo  4 Qasnadood Oo Rasaas ah, hadii kale Meeshii Loo badanaa ayey dadku u diraan, ka dib  markiii ay ku eedayaan Qofku Jaajuusimo.

Degaanka Idaale, ayaa aad ug liita dhanka Wax-barashada ma joogaan Macalimiin tayeysan Oo Waxbara Caruurta Degaankaasi, Malahan Xarumo Cafimaad  ama MCH yar oo lagu daryeelo Hooyadda iyo Dhalaanka ah, markii laga reebo Farmashiyo, yar yar oo  dukaamo  dhex-dooda ku dhex yaallaan.

Si kastaba ha haatee, Degaanka Ee Gobolka Bay, ayaa waxa Soo marey  tan iyo markii ay burburtey Dowladii Dhexe Ee Soomaaliya Marxalado kala Gedisan iyo burbur badan, iydoona Markii ugu darneyd ahayd daba yaaqadii sanadkii 2006, xilligaas oo si ba’an ay Ugu dhex dagaalameen Ciidamada  Duulanka Ee Dowladda Itoobiya iyo kuwii Midowga Maxkamadaha Islamaanka Ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Degaanka  Idaale Ee gobolka Bay, ayaa buuxi karaa Shuruudo Degnimo , iydoona DF Soomaaliya ay Horey ay u Sheegtey Shuruuda Degaanka uu Noqon karo Degmada Buuxdo, Shuruuda Laga Rabo ayaa ah  in Degmo kasta uu u jiro Masaafad Dhan 40KM,Isla markaana, Degaanka Idaale waxa uu Baydhabo u jira 65KM , halka Degmada Diinsoor-na uu jiro Qiyaastii 50KM iyo wliba Degmada Qansaxdheere uu ku jiri karo Qiyaastii 45KM ama kiis badan.

Halkan Ka Daawo Sawiradda Degaanka Idaale

 

Idale News Online, Idaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here