Daawo:Danjire Nichulus Key Oo Booqadey Dalka Qatar, Kana Hadley Xasuuq Ka Dhacey Gobolka Bakool

0
254

Doha(INO)-Ergayga Qaramada Midowbay ugu xilsaaran Soomaaliya ayaa booqanaya dalka Qadar, halkaas oo uu kula kulmay Madaxda dalkaas, oo ay ka wada hadleen amuuraha gudaha ee Soomaaliya.

KAY

Wasiirka arrimaha dibada ee Qadar iyo Ergayga QM ee Soomaaliya ayaa si gaar ah xalay iskugu arkay magaalada Doha, iyadoo si faahfaahsan ay uga wada hadleen arrimaha Hiigsiga 2016-ka ee doorashada Soomaaliya.

Qadar ayaa la rumeysan yahay in ay tahay mid ka mid ah Saaxiibada firfircoon ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo uu halkaas dhawaan gaari doono Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Dhan kale Ugu yaraan 10 qof oo shacab  Soomaaliyeed ah ayay ciidamada Ciidamada  Itoobiya ku xasuuqeen deegaanno katirsan gobolka Bakool ee dhaca Koonfur galbeed Soomaaliya Ayuu ka hadley Danjire Kay.

Sida La Sheegey  duleedyada Rabdhuurre iyo Buurdhuxulle ayaa sheegaya in ciidamada Al-shabab iyo Itoobiya ay dad rayid ah ku gummaadeen,dad si dirqi ah uga badbaaday xasuuqa ayaa warbaahinta uga sheekeeyay sidii ay wax u dhaceen.

Ciidamada Al shabab ayaa 7 qof ku gowracay Buurdhuxulle halka 3 kale ciidamada Itoobiya  ay ku dileen baadiyaha degmada Rabdhuurre,waxgaradka Bakool waxay sheegeen in Al-shabab oo khasaara xooggan kala kulmay weeraro Amisom kula beegsadeen wadada ay shacabka ku qamaameen.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Doha, Qatar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here