Daawo:Daacish Oo Laaysey 28 Qof Oo U Dhashey Dalka Itoobiya

0
312

Sirta (INO) Dowlada Islaamiga qaybteeda Libya ayaa waxa ay soo bandhigay fiidiyow soconaya mudo 29 daqiiqo kaasoo muujinayo la haystayaal Itoobiyaan Kirishtaan ah oo lagu laynayo dalka Libya. Muuqaalka ayaa waxa uu muujinayaa 12 la haystayaal Itoobiyaan ah oo qudha laga jarayo halka koox kale oo ayana lagu sheegay isla Itoobiyaan kana kooban 16 la tooganayo.

Labada dhacdo ee lagu laayay isku gaynta 28ka qof ee Itoobiyaanka ah ayaa ka kala dhacay dhanka koonfureed iyo dhanka bari ee dalka Libya ayada oo ay kooxo kala gedisan oo taageersan dowlada Islaamiga fuliyeen dilalkaan.

Lama oga halka ay ISIS kasoo qabatay dadka Itoobiyaanka ah ee ay ku laysay dalka Libya kuwaasoo dhamaantood rag ahaa. Dadkaan oo ay qaar xirnaayeen dharka maxaabiista ee midabka huruudka iyo dhar kale oo madow ah ayaa lagu kala laayay meel saxara ah oo bacaad badan leh iyo meel xeeb ah oo kawada tirsan dalka Libya.

ISIS5

Itoobiyaanka lagu laayay dalka Libya ayaa waxa ay u badantahay inay ahaayeen dad tahriibayaal ah oo damacsanaa inay u safraan dhanka dalalka Yurub gaar ahaan Malta iyo Talyaaniga si ay ugusii gudbaan qaybaha kale ee Yurub.

Nin bistoolad haystay kana mid ahaa dagaalyaahnada kooxda ISIS ee laayay dadka Itoobiyaanka ah ayaa isaga oo ku hadlayo luuqada Ingiriiska waxa uu sheegay inay dadkani ka tirsanyihiin kaniisada Masiixiga ee cadawga ah ee Itoobiya islamarkaasna ay laynayaan Masiixiyiinta inta ay ka Islaamayaan ama ay ka bixinayaan canshuur.

Dagaalyahanada kooxda ISIS yaa horay ugu laayay dalka Libya in ka badan 20 Masiixiyiin Masaari ah kuwaasoo ay kasoo qab qabteen gudaha dalka Libya islamarkaasna kamid ahaa dadka ka shaqysan jiray halkaas.

ISIS4ISIS5ISIS3
ISIS4

 Idale News Online, Sirta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here