Riqqa(INO)-Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Dalalka Siiriya iyo Ciraaq ayaa goobaha ay ka taliyaan waxa ay ka fuliyaan xukuno adag oo dil ah, waxa ayna Kooxdaasi dilalka ay fuliso u martaa qabab kala duwan oo dadka qaarkood ku cusub.
Labo nin oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dil loo geestay Sadax Haween ah ayey Ciidamada booliiska ee kooxdaasi gacanta kusoo dhigeen, waxaana Kooxda Daacish ay labadaasi nin ku xukuntay in la qisaaso.
Dagaalyahanada Kooxda Daacish ayaa labadan nin u dishay qaab dad badan ku cusub waxaana dilkan uu ahaa mid argagax badan lahaa, Labada nin ay Kooxda dileysay ayaa laga xiray gacmaha waxaana madaxa loo saaray meel dhagax ah, rag Indhaha u xiran yihiin oo katirsan Daacish ayaana Madax kaga sii daayay ragan dhagxaan waa weyn.
Kooxda Daacish ayaa xukunada dilka ah ay adeegsato qaarkood waxaa kamid ah in dadka Madaxa looga jaro Baangad , halka qaar kalana dilkooda u adeegsadaan Dhagxaan, waxaa sidoo kale jira in Kooxdaasi dadka ay dileyso qaarkood kasoo tuuraan dabaqyo dhaa dheer.
Idale News Online, Riqqa