New York(INO)— Cunaqabateyntii Caalamiga aheyd ee saarnaa Iiraan ayaa la qaaday, kadib markii Hey’adda quwada atoomikada ee IAEA ay xaqiijisay in Iiraan ay u hogaansantay dhamaan qorshayaashii looga hortagayay inay kobciso hubka nukliyeerka.
Halkan Ka Daawo
Agaasimaha Hey’adda IAEA ayaa sheegay in Iiraan ay dhameystirtay tallaabooyinkii lagama maar-maanka ahaa ee ay ku hakineysay inay sii wado barnaamijkeeda nukliyeerka, isagoo xusay inay kormeer ku sameeyeen.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay inay tani tahay guul taariikhi ah, isla markaana cunaqabateyntii Iiraan saarneyd laga qaado.
Heshiiska Taariikhiga ah ayey Iiraan iyo quwadaha caalamku wada galeen bishii Luulyo ee tagtay.
Cunaqabateenada laga qaaday Iiraanna waxa ay u sahlaysaa in ay hesho hanti gaaraysa balaayiin doolar iyo weliba in saliidda Iiraan si caalami ah loo iibsan doono.
Idale News Online, New York