Cadaado (INO) Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa wuxuu soo gaadhay magaalada Cadaado oo ay ku sugan yihiin Dadwayne tiro badan, Musharaxiin iyo Madaxda dawlada Federaalka Soomaaliya.
Cabdikariim ayaa soo dhowayntiisa waxaa ka qayb qaatay Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Cadaado kuwaasi oo halku dhigoodu ahaa “Dalku waa dalkaagii, Dadku waa dakaagii, Waan ku dooranaynaa”
Cabdikariim ayaa la sheegay inuu Taageero wayn ka helayo Dawlada Soomaaliya sidii uu u Qaban lahaa Madaxwaynaha maamulka Mudug iyo Galgaduud, sidoo kalana waxaa Jira Musharixiin aan la dhayal-san karin oo iyagun u taagan Hanashada xilkaasi.
Idale News Online, Cadaado