Daawo:Boqortooyada Sacuudiga Carabiya Oo Xiriirka Diblomaasiyadeed U Jartay Iiraan

0
252

Riydh(INO)— Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inuu bur buray xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Iiraan, kadib markii dibad baxayaal careysan ay xoog ku galeen Safaaradda Sacuudiga ee Tehran, iyagoo dab qabad siiyay.

Sacuudi

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Adel al-jubeir oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in muddo 48-saacadood gudahood ay diblomaasiyiinta Iiraan uga baxaan Sacuudiga.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in diblomaasiyiinta kaga sugan Tehran ay la soo bixi doonaan, iyadoo tallaabadan sii xoojineyso xiisada labada dal u dhaxeysa.

Mr Jubeir ayaa ku eedeeyay dowladda Iiraan inay hubeyneyso kooxo yar, isla markaana wiiqeyso ammaanka Gobolka.

Waxaa uu sheegay in Iiraan ay taariikh cadawtooyo ku leedahay danaha carabta, isla markaana fara gelin ku heyso, si ay bu buriso sida uu yiri.

Halkan Ka Daawo

Dowladda Iiraan ayaa si kulul u cambaareysay dilkii Wadaad caan ah oo Shiico ahaa Sheekh Nimr Baaqir Al-nimri oo Sabtidii dowladda Sacuudiga ay ku fulisay dil, kadib markii isaga iyo 46 kale lagu eedeeyay dambiyo la xiriira falal argagixiso.

Idale News Online, Riyadh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here