Daawo:Barakacyaal Cusub oo kayimid Deegaanka Dalandoole oo soo Gaarey Magaalada Baydhabo

0
306

Baydhabo(INO)-Magaalada Baydhabo ayaa waxaa soo gaaraya Barakacyaal Cusub oo kayimid Deegaanka Dalandoole oo kamid ah Deegaanada ay ka dhaceen Dagaalada u dhaxeeya Kooxda alshabaab iyo Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah, Deegaanka dalandoole Ayaa waxaa kasoo Barakacay ku dhawaad 200 Qoys oo u badan Haween iyo Caruur , welina mahelin cid Qaabisha , inkastoo ay soo Booqdeen Maamulka Cusub ee Gobal iyo Degmada .

Horjoogaha Kaamka dalandoole oo kamid ahaa dadka dejiye Xerada ay kusugan yihiin Barakacyaasha horjoogahaasi ayaa Magaciisa ku sheegey  Baadhil Cali Mursal , kaasoo u sheegey  in ay dadkani aysan haysanin wax cunto ah ama dhaqaale ee ay ubaahan yihiin Taakuley deg deg ah  in lala soo gaaro sida ugu dhaqsi Badan.

Magaalada ayaa waxaa soo gaaraya Barakacyaal aad u tira badan kuwaasoo ka kala imaanaya Deegaanada Gobalka Baay iyo Bakool sida Dalandoole , Siqle ,Buurdhuxunle , Rabdhuure iyo degmada Diinsoor. Hayadaha samafalka ayaa Hada wada Qiimeyn ku saabsan Barakacyaasha Ku sugan Magaalada Baydhabo kadib Markey la kulmeen maamulka Gobalka iyo Kan degmada kuwaasoo ka warbixiyey Dhibaatada Barakacyaasha iyo in loo baahan yahay si loo gaarsiiyo Gargaar Deg Deg ah   Barakacyaasha Cusub ee soo gaarey Magaalada Baydhabo.

 

Idale News Online , Baidoa

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here