Daawo:Bannaanbax wayn oo maanta ruxay Caasimadda Venezuela

0
196

Muqdisho(INO)- Bannaanbax wayn, ayaa maanta ruxay Magaalada Caracas, kaasoo looga soo horjeeday Madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro.

Bannaanbaxayaasha, ayaa waxay ka careysan yihiin tallaabada ay Xukuumadda Caracas ku xirtay Hogaamiyihii mucaaradka, Leopoldo Lopez, iyadoo ay dalbadeen in uu is casilo Madaxweyne Nicolas Maduro.

Kumanaan ka tirsan taageere-yaasha Leopoldo Lopez, ayaa socod dheer ku soo maray wadooyinka ku yaala Bartamaha Magaalada Caracas, waxaana ammaanka suggaayay boqolaal ka tirsan Ciidamada Booliska. Intii uu bannaanbuxu socday ma jirin isku dhacyo dhex maray labada dhinac.

Sidoo kale taageere-yaasha siyaasiga xiran, ayaa guddiga doorashooyinka ugu baaqay in la soo yareeyo mudada uu xilka heynayo Madaxweyne Nicolas Maduro.

Dhanka kale boqolaal ka tirsan taageere-yaasha Madaxweyne Maduro, ayaa iyaguna isugu soo baxay wadooyinka, intii uu socday bannaanbixii kale ee looga soo horjeeday.

Inta badan dadka reer Venezuela, ayaa saluugsan siyaasadii lagu soo maamulaayay dalkaasi 17-kii sano ee la soo dhaafay, taasoo ay rumeysan yihiin in ay wiiqday dhaqaalihii wadanka.

Caracas Caracas1

An opposition supporter takes part in a rally to demand a referendum to remove Venezuela's President Nicolas Maduro while carrying a sign that reads "Go out, inept" in Caracas, Venezuela, September 1, 2016.  REUTERS/Christian Veron

Police officers look on as opposition supporters take part in a rally to demand a referendum to remove Venezuela's President Nicolas Maduro in Caracas, Venezuela, September 1, 2016.  REUTERS/Christian Veron

Opposition supporters take part in a rally to demand a referendum to remove Venezuela's President Nicolas Maduro in Caracas, Venezuela, September 1, 2016. REUTERS/Marco Bello