Muqdisho(INO)-Waxaa magaalada Muqdisho Mudooyinkii ugu danbeeyay ku xanuunsanaa Abwaanka wayn ee Soomaaliyeed Maxamed Cabdullahi SANGUB, Waxaana sidoo kale Abwaanka Gurigiisa kusoo booqday Wasiirka Warfaahinta Dawlada Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.
Abwaanka ayaa waxaa Lasoo darsay Xanuun dhinaca Araga ah (Indhaha) waxaana sidoo kale mid kamida indhihiisa hada lagu sameeyay Qaliin, Isaga oo sheegay inuu si wanaagsan wax ugu arkayo, waxaana sidoo kale jira Qorshe la doonayo in Abwaanka loogu Fidiyo Daryeel Caafimaad oo dalka debediisa ah.
Idale News Online, Muqdisho